Keydmedia Online Topic page

Villa Soomaaliya

News Keydmedia Online | 18 September 2020

Ra'iisul wasaaraha ayaan haysan waqti ku filan, waxaana uu sii dhammeystiri doonaa shaqooyinka qabyada ah.

News Keydmedia Online | 17 September 2020

Kulanka oo socday tan iyo 13-kii bishan ayaa looga hadlay wax ka bedelka heshiiskii Dhuusamareeb, kaasoo ay ka maqnaayeen Jubbaland iyo Puntland.

News Keydmedia Online | 17 September 2020

Madaxda ayaa maanta ka jira nasasho, kadib markii xalay ay yeesheen kulan socday Maqribkii illaa saqdii dhexe, kaasoo heshiis hordhac ah looga gaarey qodobadii khilaafka ka taagnaa.

News Keydmedia Online | 16 September 2020

Mudo ku dhaw 4 sano waxaa siyaasadda Soomaaliya laga jaan-goynayay Qatar, oo u fadhiya Muqdisho wakiil awood badan leh, Fahad Yaasiin kaasoo go'aan uusan isaga ogeyn Farmaajo gaari karin.

News Keydmedia Online | 16 September 2020

Wadahadalada doorashooyinka ee kasocda magaalada Muqdisho ayaa qaatay ku dhawaad hal Isbuuc, iyadoo aan wali wax heshiis ah laga gaarin hanaanka doorashooyinka, wali dhinacyada isku afgaran la'yihiin qodobada qaar.

News Keydmedia Online | 15 September 2020

Madasha xisbiyada Qaran ayaa sheegtay in aan la aqbalin karin 53 maalmood uu dalku ahaado Ra’iisul Wasaare la’aan, islamarkaana shaqada hadda socotaa ay u muuqato kaligii talisnimo.

News Keydmedia Online | 14 September 2020

Madaxweynaha ayaa la yimid ajande ah in Shirka uu noqdo mid lagu dhameystirayo heshiiskii hore, balse aan waxba laga bedelin, isagoo ka codsaday Jubbaland iyo Puntland inay taageeraan qorshihiisa.

News Keydmedia Online | 13 September 2020

Kulanka ayaa labo jeer dib u dhacay kadib markii la isku afgaran waayay goobta lagu shirayo iyo qodobada qaar oo ay diideen Deni iyo Axmed Madoobe.

News Keydmedia Online | 10 September 2020

Shirweynaha arrimaha doorashadda ayaa dib uga dhacay waqtigii loo balamay oo ahaa Maanta, waxaana la sheegay in Deni iyo Axmed Madoobe ay dalbadeen in lagu kulmo meel ka baxsan Villa Soomaaliya.

News Keydmedia Online | 9 September 2020

Qofka is qarxiyay ayaa la sheegay inuu bartilmaameedsanayay Saraakiil NISA katirsan oo fadhisay Maqaayadda BLUE SKY, oo ku taalla albaabka bari ee Madaxtooyadda laga galo.

News Keydmedia Online | 5 September 2020

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in Farmaajo uu ogolaaday inuu shir cusub isagu keeno Muqdisho dhamaan madaxda Maamul Goboleedyada dalka kadib markii uu Maanta kulan hordhac ah la yeeshay Deni iyo Axmed Madoobe.

News Keydmedia Online | 5 September 2020

Shirkan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo ay yeeshaan hogaamiyeyaasha, waxaana la filayaa inay yeeshaan shirweyne ay heshiis uga gaari doonaan khilaafka u dhaxeeya.